|

Wasiirka Caafimaadka oo dhagax dhigay Dhisme Cusub oo loo samaynayo Qaybta Qaaxada ee Wasaarada Caafimaadka

Hargaysa 26.March {SDN}

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Xuseen Maxamuud Muxumed ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo laga hirgalinayo xarunta wasaaradda caafimaadka ee magaalada Hargaysa, kaas oo loogu talagalay in ay ku hawlgasho Qaybta xakamaynta xanuunka Qaaxada.

Hadal uu halkaas  ka jeediyey wasiirka wasaarada caafimaadku ayaa waxa uu  uga mahad celiyey hay’adda world Vision oo dhismahan hirgalinaysa waxaanu u jeediyey  dadka ka cabanaya xanuunka qaaxada inay si toosa ula xidhidhan goobaha caafimaadka ee loogu tala galay daawaynta iyo daryeelka bukanka xanuunkaas oo ay ka helayaan adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah .

Wasiirku waxa kale oo u munasibadaas uga soo jeediyey dadwaynaha in ay ka feejignadaan qadashada daawooyinka  xanuunka qaaxada  hadii aan dhakhtar u qorin isla markaana bukaanka qaata daawadu ay  iska jiraan  in ay  kala gooyaan daawada taas oo uu sheegay inay cawaaqib xumo u keenayso caafimaadkooda .

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed