|

Wasiirka Caafimaadka oo Buuhoodle Kulan kula Yeeshay Madax dhaqameedka Magaaladaasi,Doodda Garnaqsigooda,Xiisad Colaadeed oo Ka aloosan Buuhoodle iyo Dhoola Tuska Ciidan ee Xaglo Toosiye

Buuhoodle 25 January, 2016-(SDN/QJ) :– Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye ayaa kulan balaadhan la qaatay oday dhaqameedka degaanka Buuhoodle oo ay ka wada hadleen xaalada magaalada iyo degaanada ku xeeran.

12507295_643306215808573_3434372052897935427_n

 

 

 

 

Wasiirka ayaa kulankan kaga hadlay sida loogu baahan yahay sidii gobolka iyo magaaladaba nabadgelyadeeda loo ilaalin lahaa,sidoo kalena wixii nabadgelyo daro keenaaya meel loogaga soo wada jeesan lahaa.

Oday dhaqameedka ayaa iyaguna dhankooda balan qaaday inay iska kaashan doonaan wax walba oo nabadgelyada gobolka waxyeelo u keenaaya,iyaga oo intaasi ku daray in loo baahan yahay in baahiyaha gobolka wax laga qabto.

Waxyaalaha ay u soo gudbiyeen ayuu wasiirku balan qaaday inuu wax ka qaban doono,isaga oo la kaashanaaya xukumada Somaliland,waxa kale oo uu usoo jeediyey in wax walba oo la tabanaayo si wada hadala lagu dhameeyo,madaama oo ay dadkani reer Somaliland yihiin,waxa keliyaata ee laysku hayaana ay tahay tabasho laga tabanaayo xukumada Somaliland hab saami qaybsigii ay gobolada Sool ,Sanaag iyo Buuhoodle xaqa u lahaayeen.

Dhankooda oday dhaqameedka ayaa soo dhoweeyey hadalkaasi wasiirka,iyaga oo sidoo kalena si adag ugala hadlay sidii loo heli lahaa waxyaalaha xaqa loogu lee yahay dawlada Somaliland,gaar ahaana saamiga aan dheeliga tirnayn ee ay beesha goboladaasi degtaa ka tabanayso Somaliland.

Wasiir Xaglatoosiye ayaa oday dhaqameedkaasi u sheegay in loo baahan yahay in meesha laga saaro dagaal ooge Cali Khaliif oo laga hor tago fidnada uu la wareegaayo,isaga oo intaasi raaciyey in aanu isagu marnaba raali ka noqon doonin fidno uu ka dhaliyo gobolka Buuhoodle iyo degaanada ku xeeran .

Ugu dambayn wasiir xaglatoosiye iyo oday dhaqameedka Buuhoodle ayaa isla qaatay in meel looga soo wada jeesto wax walba oo nabadgelyo daro keenaaya,iyada oo la ilaalinaayo sidii beelaha deriska ahna loogula noolaan lahaa walaaltinimo.

 

 

D12524054_1041146189285535_4215003680788242157_nhanka Kale Wararka ka imanaya Magaaladda Buuhoodle ayaa Sheegaya in Xaalad Colaadeed ay ka aloosan tahay Magaaladaas oo uu dhanka kale ku Sugan yahay Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh Waxayna Wararka Qurbejoog.com ka helaysaa Sheeagayaan inuu Guul daraystay Isku day ay odayaasha dhaqanku ku rabeen inay Magaaladaasi kaga Saaraan Prof Galaydh .

Wasiir Xaglo Toosiye oo ah Shakhsi dhalasho ahaan ka soo jeeda Magaalada Buuhoodle ayaa Maalintii Shalay Ciidamo ka Tirsan Safafka Ciidanka Qaranka oo uu ka sameeyay Magaaladaasi Waxay Dhoola Tus Xoogan ka dhex sameeyeen Magaalada Buuhoodle iyagoo Tikniko gaadhaya 18 Gaadhi ah ku dhex maray Magaaladda Buuhoodle,Sidoo kale Wasiir Xaglo toosiye ayaa la sheegay inuu Xidhay Madaarka Diyaaradaha ee Buuhoodle oo ah halka uu ka dhoofo kana soo dego Prof Galaydh.

12592183_1041146102618877_1863829794471634721_nIlaa iyo hada waxaa socda Waan Waan la odhan Karo kuma taagna Cago adag Waxaana Goor kasta la fili karaa Isku dhac ka dhaca Magaalada Buuhoodle iyadoo dhanka kalena heegan buuxa la geliyey Ciidamadda qaranka oo dhawr Jiho ka fadhiya Magaaladda Buuhoodle.

Comments are closed