Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland oo Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Laydhka ugu baaqay inay Xadhkahooda dhulka Mariyaan
Hargaysa 27.April (SDN) Wasiirka wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiinta Md. Cali Cilmi Geele ayaa ugu baaqay shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka in ay xadhkaha telefoonada ee ay adeegsadaan ay dhulka hoostiisa mariyaan .
Wasiirku waxa uu sheegay in xiliyada roobabka iyo dabaylahu ay jiraan xadhkaha isgaadhsiintu xayiraad ku keenaan isu socodka Gaadiidka iyo Dadka, waxaana uu tilmaamay in xiligan oo dalka ay ka hawlgalaan shirkado isgaadhsiineed oo baaxad lihi ay culays ku hayaan magaalooyinka xadhkaha isgaadhsiinta ee ay adeegsanayaan isaga oo shirkadahana u jeediyay in ay adeegsadaan habka ugu sahlan ee arintaas wax looga qaban karo oo uu sheegay in ay tahay iyada oo xadhkaha isgaadhsiinta dhulka hoostiisa la dhigo.
Dhanka kalana wasiirku wax uu sheegayin wasaarada boosaha iyo isgaadhsiintu ay diyaar u tahay sidii gacan ay uga siin lahayd dhinaca isgaadhsiinta shirkadaha caalamiga ah eemaalgashiga ku samaynaya dalka .
Wasiirku waxa uu tilmaamay in wasaaradu doorweyn ku leedahay dakhliga dalka haatana ay ku guda jiran qorshayaal lagu balaadhinayo adeega wasaaradu bulshada ugu aadantahay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com