Wasiirka Biyaha Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Go’aan Ka Soo Baxay Golaha Deegaanka Gabiley
Hargaysa 24.June 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaarada Khayraadka Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Baashe Cali Jaamac, ayaa si kulul ugu jawaabay Golaha Deegaanka Degmadda Gabiley oo cod gacan taag ah ku diiday mareeyaha cusub ee wasiirku u magacaabay degmada Gabiley, kuwaasi oo uu Wasiirku ku tilmaamay in ay baal mareen sharciga dalka u yaalla.
Wasiirku waxa uu ku dooday inaanu golaha deegaanka Gabilay aanay khusaynin Mareeyaha wakaalada biyaha Gabiley ee wasiirku magacaabay, waxaana uu ugu baaqay in ay dhawraan sharciga iyo kala danbaynta dawlada-nimada, isaga oo jawaab adagna siiyay.
Wasiirka biyaha ayaa sidoo kale ka hadlay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ee magaalo madaxda dalka Soomaaliya Maxamed Axmed Nuur Tarsan oo ku dhawaaqay erayo uu ku kicinayo bulshada ku dhaqan gobollada bariga Somaliland, taasi oo ku macneeyay hadlo nin iska yidhi, kana hadlay adeegyada xukuumad ahaan ay ka fuliyeen deegaanada bariga dalka.
“Golaha deegaanka Gabiley ee aqlabiyada wax ku diiday waxaan leeyahay, wax aan khusayn ayay diideen qofkuna waxa isaga khuseeya ayuu diidaa, markaa golahaasi deegaanku wax aan iyaga khusayn ayay diideen, waa arrin ay dawlada dhexe leedahay, wasaarada biyuhu waxay u xil-saaran tahay biyaha dalka, iyada ayaana ka masuul ah, taana waxaa qeexaya xeer lambar 49. Khayraadka biyaha waxaa ka masuul ah wasaarada biyaha, golaha deegaanka Gabileyna waxay diideen waxaan khusayn, meel dawlada hoose biyaha masuul kaga tahayna ma jito,”ayuu yidhi Wasiirka Biyuhu.waxa kale oo uu intaasi ku daray “Baryahanba goleyaasha deegaanku waxay doonaan ayay iska sameeyaane, qofku wuxuu cod ku diidi karaa wax isaga khuseeya, annagana waxayaga waxaa diidi kara Baarlamaanka, waxaanan u malaynayaa niman aan shaqadoodii garanayn in ay yihiin.”
Wasiirka Biyuhu, waxa kale oo uu ka waramay heshiis ay wasaaraddu hore ula gashay shirkada biyaha Zamzam, waxaanu yidhi “Shirkadda biyaha ee Zamzam ayay wasaaradda biyuhu heshiis la gashay sannadkii 2007-kii, heshiiskaasi waxa uu ahaa in ay biyaha qeybiyaan, laakiin hantida meesha ku jirta, qalabka iyo dhamaan ceelasha intaba waxaa lahayd dawladda dhexe, iyaguna waxa ay geliyeen in yar oo lacag ah, heshiiskaasi toban sanno ayuu ahaa, wuu dhacay oo wuxuu dhacsanaa laba sanno, in ay cusboonaysiistaana nagamay soo dalban.”
“Degmada Gabilay muddo waxaa ka taagnaa khilaaf dhinaca biyaha ah, ceelashii oo ah goobta biyo soo saarka iyo nimankii biyaha hayay ayaa is qabtay, dadkii deegaanka iyo dadkii ceelasha hayay waxay yidhaahdeen haddii ay dad shicib ahi iska maamulayaan, anana biyaha beerahayaga ka soo baxaya ayaanu xidhanaynaa, muddo laba sanno iyo dheeraad ah ayay socotay, way heshiin waayeen, waxay noqotay in ay biyihii magaaladu burburaan iyo in aanu la wareegno, dawlada dhexena waxay xaq u leedahay haddii uu heshiisku dhaco in ay cusboonaysiiso iyo in ay heshiiskaa ka noqoto,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Khayraadka Biyaha Somaliland Mudane Baashe Cali Jaamac, waxaanu intaasi raaciyay “Boorame iyo shirkada Shaaba-ba waa loo cusboonaysiiyay heshiiskii hore oo toban sanno ahaa markii uu dhacay. Laakiin qolada Gabilay maadaama oo aanu aragnay in biyihii Gabilay ay baaba’ayaan, maadaama oo aanay biyuhu horumar gaadhin oo maanta loo baahnaa in ay boqolkiiba sagaashan ku jiraan biyuhu, wasaaraddu hawl badan ayay qabatay, waxay u tagtay Badhasaabka, golaha deegaanka iyo dadkii ceelasha biyuhu beerahooda ka soo baxayeen, intuba waxay nagula taliyeen in wasaaraddu ay biyaha dib ula wareegto, qolada golaha deegaanku dhawr jeer ayay saxaafadda ka hadleen iyaga oo leh biyaha Zamzam waanu kala wareegaynaa ama way fashilmeen, markaa anagu waxaanu u danaynaynaa dadlka xil baana naga saaran in ay dadku helaan biyo nadiif ah oo ku filan.”
Wasiirka Wasaarada Khayraadka Biyaha Somaliland Mudane Baashe Cali Jaamac, waxa kale oo uu si kulul ugu jawaabay hadal ka soo yeedhay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ee dawladda Soomaaliya, waxaanu yidhi “Tarsan Muu Arag Gobolka Sool iyo Sanaag Toona Waligii Intii Uu Noolaa wuu maqlay uun Markaa Waa Riyo Maalmeed Hadalkiisu, duruuftoodana kama war hayo, xaaladooda iyo iskuuladoodana kama war hayo, danna uma hayo, markaa taas oo kale waxaan u arkaa hadal meel waayay, markii ay iyagu Muqdisho maamuli kari waayeen in ay dalalka kale fawdo galiyaan waa arrin xad-gudub ah oo aan qiimo badan lahayn, Tarsanna waxaan ugu jawaabo garanba maayo sababta oo ah wax uu yahayba hadda garan maayo.”