Wasiirka Beeraha Somaliland oo gaadhay magaalada Caynaba iyo nuxurka kulamo dhexmaray maamulka deegaannadaas
Caynaba, 09, Mar (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole) oo maalmihii u dambeeyay socdaal ku marayay deegaanada bariga Somaliland ayaa maanta gaadhay magaalada Caynaba, isagoo u kuurgalaya xaaladaga beeralayda deegaanaddaas.
Wasiirka Beeraha ayaa markii uu gaadhay deegaankaas waxa uu kulamo la qaatay maamulka gobolka Saraar iyo degmada Caynaba iyo qaar ka mid ah isu-duwayaasha wasaaraddaha qaarkood.
Wasiirka oo ka hadlay ujeedada socdaalkiisa ayaa sheegay inuu la xidhiidho xog-ogaal u noqoshada xaalada gobollada bariga dalka, waxaanu xusay wasiirku dhinacyada beeraha, abaarta iyo arrimo kale.
Dhinaca kale maamulka magaalada Caynaba ayaa Wasiirka Beeraha ku wareejiyay dhul loogu talogalay Wasaaradda Beeraha, isla markaana waxa dhulkaas si rasmi ah ula wareegay wasiir Geedoole.
Isu-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolkaas ayaa isaguna faahfaahin ka bixiyay xaaladda wax beerista ee gobolka Saraar, waxaanu tilmaamay in bulshadu waqtigan ay ujeedsadeen dhinaca wax beerashada.
Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Saraar ayaa isagunka sheegay in xilligan ay gobolka ka jiraan abaaro isasoo taraya, isla markaana u baahan wax loo qabto bulshada ay saameeyeen.
SDN, Caynaba