Wasiirka Beeraha oo Furay Balli-biyood Guddida HOODAALE Ka Qodeen Deegaanka Geed-Abeera
Hargeysa 07.Jan 2016 (SDN/QJ): – Guddida horumarinta beelaha Sacad Muuse ee Hoodaale ayaa Balli-biyood weyn ka hirgaliyay deegaanka Geed-Abeera oo ka tirsan degmada Alleybadey ee gobolka Gabiley.
Mashruucan qoditaanka Bali-biyoodkan ayaa gabo gabo u ahaa qorshihii hawl qabadka sanadkii 2015-ka, iyada oo masuuliyiinta guddida horumarinta ee Hoodaale ay sheegeen in Balli-biyoodkani ay dad deegaanku baahi weyn u qabeen.
Wasiirka Beeraha Somaliland Dr Maxamed Aw-daahir Ibraahim oo ka qayb galay Furitaan Balli-biyoodkan ayaa sheegay in aan Baligan loo dhisin Deegaankan laga hirgaliyay oo kaliya, balse uu ka dhaxeeyo deegaanada ku xeeran iyo beeralayda.
“Baligan guddida Hoodaale Sameeyeen waxaa uu ku yaalaa meel dhexdhexaada oo deegaan badan beeralay ah u dhaxeeya, wax inta la sameeyo hadaan cid masuul looga dhigin waa uu dayacmaa waxaa ku tabarucay madaxda magaalada Geed abeera inay la shaqeeyaan cidii qodeysay ee gacanta ku haysay iyp marka dambe dayactirkiisa.” ayuu yidhi
Wasiirka Beeraha Somaliland waxaa uu intaasi ku ladhey oo uu yidhi “Ceel biyoodkan Waxaa loo dhisay inay deegaanada ku dhawdhaw eek u teedsan Geed abeera ee Xidhintu ka mid tahay, mashruuca iyo meelaha tuulaha ah ee aan magaalada ka mid aheyn ee beeralayda ay ayaa loogu talo galay inay ka manaafacaadsadaan, wax waqfi loo bixiyayna weeyi.”
Suldaan Axmed Nuur Samaale oo isna ka hadlay munaasibadan lagu daahfurayay Bali-biyoodka ayaa mahadnaq balaadhan u jeediyay guddida Hoodaale ee hirgalisay mashruucan isagoo ereyo duco iyo dardaaran iskugu jira u diray guddida iyo wasiirka Beeraha Somaliland “Guddida Hoodaale tan iyo markii la doortay waxqabad weyn ayay sameeyeen oo ay qabteen waxaa loo baahanyahay in ay qabtaan inta hadhey, waxaa la saaray xil aad u weyn, waxaan leeyahay dadku nooc walba waa leeyihiin ee wixii aan munaasib aheyn ee idin soo gaadha inaad qaadataan ayaa loo baahanyahay, waxaa tihiin firidii labada dhagax ku dhex jiray, aniga (Suldaana) ayaa ka kow ah wasiirka beeraha ayaa laba ka ah, cidkasta oo xil loo dhiibeyba waa masuul.”ayuu yidhi Suldaan Axmed Nuur Samaale.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gabiley, guddoomiyaha Alleybadey iyo xubno kale oo ka hadlay furitaan mashruucan ayaa mahadnaq balaadhan usoo jeediyay Guddida Hoodaale ee Hirgaliysa Balli-biyoodkan.