Wasiirka Arrimaha Soomaaliya & Wakiilka Qaramadda Midoobay ee Somalia oo Beeniyay Inay Qoreen Warqado Lagu Sumcad Dilayay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI
Muqdisho 28. October 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mr. Yuusuf Garaad Cumar, ayaa beeniyay waraaq samays ah oo la sheegay inay ka soo baxday xafiiskiisa oo u qoray dawladda Qatar isla markaana kaga codsaday in la taageero xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI sidii uu ugu guulaysan lahaa doorashada madaxtinimada ee Somaliland ka qabsoomaysa 13-ka November 2017.
Yuusuf Gaaraad wuxuu waraaqdaas ku sifeeyay been abuur waxba kama jiraan ah. “Dad ayaa si toos ah iyo si dadban ii weydiiyay waraaq la faafiyay oo ku saabsan mid ka mid ah axsaabta ku tartamaya doorashada Somaliland. Waraaqda la i weydiinayo waxay ku qoran tahay in ay ka soo baxday Wasaaradda aan hadda mas’uulka ka ahay. U fiirso magaca Jamhuriyaddu waa ku meel gaadh taas oo laga soo gudbay 2012. Magaca Wasaaraddu sax uma qorna,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar oo qoraal kooban kaga jawaabay bartiisa facebook shalay.
Wasiir Yuusuf Garaad wuxuu intaas ku daray; “Waxaa ku qoran magaceyga oo ay higgaaddiisu hal meel ka badan ay ka qaldan tahay.Saxiixeyga mid aan ahayn ayaa saaran. Uma gelayo hannaan-xumada ay u qoran tahay oo qofkii u fiirsadaa uu fahmi karo in ay tahay been-abuur.”
Halkan Hoose ka akhri Warqada uu Beeniyey Wasiirka arrimaha Dibadda ee Dawladda Federaalka Somalia.
Ergayga Qaramada Midoobay
Ergayga Qaramada Midoobay ayaa isna qoraal uu ku qoray twitterkiisa wuxuu ku yidhi “Waxaan cadaynayaa in warqadda la sheegayo inay ka timid ergayga Qaramada Midoobay ee Somaliya ee ku socota madaxweyne Farmaajo ee khusaysa doorashoyinka Somaliland ay tahay been abuur.”
Gunaanad
Doorashada madaxtooyada Somaliland ayaa u muuqata inay lugaha la soo galayso baahinta waraaqo iyo warar been abuur ah oo la arkay doorashooyinkii u dambeeyay ee dunida ka dhacay taas oo ay sabab u yihiin warbaahinta ay bulshadu ku xidhiidho ee loo yaqaano “Social media” oo saamayn badan hadda ku leh dunida, oo ay mararka qaarkood ku baahiyaan warar aan jirin dad aan xilkas ahayni.