Wasiirka Arrimaha Guddaha Soomaaliya oo Booqasho ku Jooga Hargeysa
Hargeysa Aug 04,2013(SDN)-Wariika wasaarada arrimaha Guddaha ee dalka Soomaaliya Md Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa Booqasho aan rasmi aheyn ku jooga Caasimada Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Guddaha ee Soomaaliya ayaa ka soo degay madaarka Berbera oo ay ku qaabileen raxan wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumada Somaliland.
Wasiirka ayaana deeto loo soo qaaday dhanka caasimada Hargeysa oo la dejiyay mid ka mida Hotelada Muqdisho.
Wasiirka Booqashadiisa oo saxaafada laga qariyay ayaan ilaa hada jirin cid si rasmi ah u hubta sababaha booqashadiisa.
Xukuumada Somaliland ayana ilaa iyo haatan ka hadal sababta iyo joogitaanka wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya.
Waana markii u horeysay oo masuul xil kahaya Soomaaliya uu booqdo Somaliland.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com