|

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland oo hortegay guddiga Joogtada ah ee golaha Guurtida

Hargeysa April 21,2012(SDN)-Wasiirka wasaaradda Arimaha gudaha ee JSL Mudane Maxamed Nuur Carraale Duur ayaa maanta hor tegay gudida joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, warbixina ka siiyey xaaladda guud ee amniga dalka iyo Bilicda Caasimadda.

Wakaalada wararka Somaliland ee Solna ayaa baahisay in wasiirku warbixin ka siiyey Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland tababarada ay dhowaanahan qaadanayeen cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland iyo ciidamada cusub ee dhowaan la qoray kuwaasoo hadda tababaro ku saabsan la dagaalanka Argagixisada iyo baadhista dembiyada ku qaadanaya dugsiga tababarka Booliska ee Mandheera.

Mudane Duur waxa uu halkaasi ka sheegay inay wasaarad ahaan wadaan qorshayaal lagu doonayo in si habaysan loo qalabeeyo ciidamada Booliska taasoo ay ka qayb qaadanayaan dawladda Ingiriiska iyo weliba Hay’ada UNDP.

Abuuritaanka ciidanka difaaca Madaniga ayuu wasiirku ku sheegay inay tahay qorshayaasha ay sida aadka ah u danaynayaan si loo helo ciidamo u tababaran hawsha damdamiska, Xilli Ciidamada ilaalada xeebahana ay wadan doonaan Magaca Boolis hase yeeshee ay shaqo ahaan ka duwanaan doonaan.

Kordhinta Ciidamada Booliska iyo Adkaynta qalabayntoodu waa adkaynta amniga wadanka ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha oo maanta la hadlayey gudida joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland.

Wasiirka oo ka hadlayey halka ay marayaan hawlahii nabadaynta ee gobolada qaarkood, waxuuna sheegay in hawshii nabadayntu marayso meel wanaagsan ayna hadhsan tahay oo keliya kala wareejintii magaha iyo waxyaabahii soo raacay, iyadoo wasaaradda arimaha gudahuna ay qaybtii ay ku lahayd bixinta Magaha qayb ahaan dirtay qaybtii kalena hadda la diyaarinayo.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed