Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulamay Safiir Matt Baugh
Muqdisho Feb 18 2013 (SDN)— Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan waxa uu kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka dowladda UK u fadhiya Soomaaliya.
Kulanka oo ahaa mid aysan saxaafaddu goobjoog ka aheyn ayaa waxaa looga hadlayay arrimo u badan Amaanka, Maamul u sameynta gobolada iyo degmooyinka laga saaray Al Shabaab iyo arrimo kale.
Labada Mas’uul, C/kariim Xuseen Guuleed iyo Ambassador Matt Baugh oo kulanka kaddib hadlay ayaa sheegay in ay kawada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo dhameystirka Mashaariic ay dowladda Ingiriisku kawado dalka Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in arrimihii ay ka hadleen isaga iyo safiir Matt Baugh ay isku afgarteen, islamar ahaantaana uu balanqaadaya in dowladda UK ay waxbadan ka qaban doonto balanqaadyadii aysameysay.
Ambassador Matt Baugh oo sidoo kale saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan hormarka muuqda ee ay dowladda Soomaaliya sameyneyso isagoo hoosta ka xariiqay in ay ka go’antahay siiwadida taageerada ay siinayaan dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda oo uu tilmaamay in ay dadaal ugu jiraan dib u dhiska dalkooda.
Matt Baugh ayaa farta ku fiiqay in UK ay ka rumeysay balanqaadkeedii madaama mashruuc ay maalgalineyso oo dib u dayactir wadooyin iyo Buundo loogu sameynayo uu hada ka soconayo Magaalada Balcad ee gobolka Sh/hoose.
Dowladda Ingiriiska ama UK ayaa kamid ah dowladda sida weyn u taageera dowladda Soomaaliya iyadoona dhawaan ugu deeqday Soomaaliya 3-Milyan oo lacagta Bon-ka dalkaasi laga isticmaalo ah.
SDN-Muqdisho