Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay Shir uu uga qeybgalay dalka Sacuudiga
Riyaad March 15 2013 (SDN)—Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo ka qeyb galay shirka wasiirada arimaha gudaha dalalka Jaamacada Carabta ayaa ka warbixiyey wax yaabihii looga hadlay shirkaasi Soomaaliyana ka qoseeyey.
Wasiirka ayaa sheegay in wasiirada arimaha gudaha ee Jaamacada Carabta ay isla garteen sidii iskaashi looga yeelan lahaa dagaalyahanada ka jira qaar kamid ah wadamada Carabta, isagoona tilmaamay in meel la isla dhigay ka shaqeynta nabad gelyada wadamada ku bohoobay ururka Jaamacada Carabta.
Cabdi Kariin Xuseen Guuleed wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in uu kulamo la qaatay qaar kamid ah wasiirada arimaha gudaha ee dalalaka Carabta waxa uuna xusay in ay ku farxeen xaalada imika Soomaaliya ay ku sugantahay, isagoona sheegay in wasiiradaasi ay balan qaadeen Soomaaliya in ay garab istaagayaan caawimaadna u sameyn doonaan.
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka ee Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shirka wasiirada arimaha gudaha ee dalalka jaamacada carabta oo mudo labo maalmood ah ka socday dalka Sacuudiga maamlinnimadii shalayna ku soo gabagaboobay halkaasi.
SDN-Riyaad