Wasiirka arrimaha gudaha somaliya oo sheegay in anu shaqadiisa cidna uga fasax qadanayan, Isla Markaana Buriyey Wareegtadii Raysal Wasaaraha Somalia DAAWO
Muqdisho 30. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dawlada federaalka Somalia Cabdi Faarax Juxa ayaa cadeeyay in Waajibaadka loo igmaday aanu cidna u daba fadhiisanayn isagoo Khilaafay amar ka soo baxay Raysal wasaare ku xigeenka Somalia oo xubnaha golaha wasiirada u soo Jeediyey in marka ay qabanayaan Shirar Saxaafadeed ay la socodsiiyaan Xafiiska Raysal wasaaraha si loo ogaado qodobka uu ka hadlayo.
Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo BBC la hadlay ayaa sheegay inuu u madax banaan yahay la hadalka saxaafada oo uusan ruqsad u raadsanayn wixii shaqada la xiriira.
Dawladda Soomaaliya ayaa dhawaan soo rogtay amar ku socday wasiirrada oo la xiriira in aysan baraha bulshada u adeegsan inay ku faafiyaan wararka la xiriira shaqada dawladda fasax la’aan.
Waxaa kale oo la faray wasiirrada in fasax la’aan aysan warbaahinta la hadlin.
Balse Wasiir Juxa ayaa sheegay inuu kala yaqaano waxaa uu ruqsad u raadsanayo iyo waxa kale “Waan leeyahay facebook iyo Twitter, waxaa aan ku qoraayo iyo masuuliyada i saarana waan garanayaa, fasaxu wuxuu imanayaa marka aan doonayo inaan ka hadlo wax shaqadeyda ka baxsan” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.