|

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Warramay Safar Uu Ku Tagay Dalalka Kenya iyo Itoobiya DAAWO

Hargeysa,21Dec,2015(QJ/SDN)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Warancadde, oo ka soo laabtay dalalka Ethiopia iyo Kenya oo uu muddo socdaal ugu maqnaa ayaa sheegay inay dawladda Ethiopia ka wada hadleen iskaashiga ammaanka iyo fududaynta isu socodka labada bulsho. Inta badan bulshada Somaliland ayaa ka cabata galitaanka Ethiopia, iyadoo maalmihii u dambeeyay cabasho ka taagnayd dal ku galka Ethiopa.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay socdaal uu ugaga sii gudbay dalka Kenya, halkaasi oo uu sheegay inaanay faahfaahin ka bixinayn arrimo ay ka soo wada hadleen oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo aan wali bislayn, lana sheegi doono markay habboonaato.

 

Comments are closed