|

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Soo Laabtay Ingiriiska DAAWO

Hargaysa 03. May 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo Safar ugu maqnaa Dalka Ingiriiska, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyay Hargeysa.

Wasiirka oo muddo sagaal Maalmood ah ku maqnaa Caasimadda UK ee London, ayaa waxa Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiirro, Xildhibaanno iyo Dadweyne kale oo Madaarka ku sii diyaar ahaa.

 

Wasiirka oo Saxaafadda la hadlay ma sheegin Ujeeddada Socdaalkiisa, laakiin wuxuu u Mahad-naqay Masuuliyiintii iyo Shacabkii soo dhaweeyay.

Comments are closed