Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Gaadiid ku Wareejiyay Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka
Hargaysa 23.Nov 2013 (SDN)- Wasiiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waranacade ayaa galabta ku wareejiyay taliyaha ciidanka booliiska Somaliland Sareeyo guuto cabdilaahi iimaan fadal todobo baabuur oo loogu talo galay in ay ku shaqeeyaan ciidamada nabadgalayada wadooyinka dalku .
Xafladan oo lagu qabtay xarunta wasaarada arimaha gudaha ayaa waxa ka soo qeyb galay taliyaha ciidanka booliiska , wasiir ku xieenka amniga wasaaarada ee wasaaarada arimaha gudaha , iyo sariikaasha ciidanka nabad galayad wadooyinka.
Taliyaha ciidanka booliiska j s l sareeyo guuto cabdilaahi fadal iimaan oo halkaasi ka hadlay ayaa mahad naq usoo jeediyay wasiirka arimaha gudaha isagoo tilaamaamay in si joogto ah ay wasaaradu ula shaqayso ciidamada booliiska dalka , waxaanu intaa ku daray in wasaardu ay hore usoo gaadhsiiyay gaadiid loogu talo galay sugida amiga deeqda maanta uu gudoomayna ay tahay midi labaad waxaanu intaaa raaciyay in gaadiidkani uu wax weyn ka tari doono shaqada ciidanka nabad galayada wadooyinka oo maal mahan ku jiray olale lagu fulinayo amaro la xidhiidha sugida amaanka wadooyinka dalka iyo ku dhaqanka shuruucada la xidhiidha wado marida .
Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waranacade oo halkaasi ka hadlay ayaa ciidamada booliiska ku amaanay waajibaadka qaran ee ay hayaan isagoo tilmaamay in deeqda gaadiidka ah ee ay maanta ku wareejinayaan in ay la xidhiidho horumarinta xukuumadu ugu jirto tayaynta qalabka ay ku hawlgalaan ciidamada booliisku waxaanu intaa raaciyay in gaadiidka ujeedada ay u bixiyeen in ay tahay sidii loo yarayn lahaa shilalka gaadiidka ee xiliyada dalkeena ku soo badnaya .
Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay in dhawaan ciidamada booliiska ay u keeni doonaan diyaarado helikataro ah oo lagu sugi doono aminaga isla markaa si deg deg ah loogu tagi doono meel kasta oo loo baahdo waxaanu gabagbadii sheegay in deeqaha gaadiidka ay ay ku wareejinayaan ciidanka booliiska in dhawaan la gaadhsiin doono gobolada dalka isagoo usoo jeediyay wadaayasha gaadiidka in ay ku dhaqmaan shuruucda wado marista si loo yareeyo shilalka dalka kusoo badnaya ee Gaadiidku Sababaan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com