Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia & Xildhibaan Federaal ah oo Ka Hadlay Xadhiga ay Laamaha amaanka Somaliland Kula Kaceen Suxufi Cabdimaalik Coldoon
Muqdisho 16. February 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa” ayaa waxa uu ka hadlay xadhiga wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo shalay magaalada Hargeysa lagu xidhay.
Cabdiraxmaan Odowaa oo qoraal uu kaga hadlayay xadhiga wariyaha soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxa uu sheegay in aanay ahayn in wariyaha la xidho balse ay ahayd in lala shaqeeyo oo hawlaha uu ku jiro ee samafalka ah lagu gacan siiyo.
“Inta aan ka bartay wariye Coldoon waa nin wanaaga ka shaqeeya ka soo warama dadka tabarta daran meel kasta oo ay ka joogaan dhulka Soomaaliyeed, ma aheyn abaal marintiisu xarig ee waxa ay aheyd in lala shaqeeyo lana garab istaago. Waa ceeb inuu caawa xabsi ku baryaa Coldoon.” Ayuu yidhi Wasiir Odowaa.
Sidoo Kale Xildhibaan Biixi Iimaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya isla markaana kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada Somaliland ayaa waxa uu walaac ka muujiyay Xadhiga weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon.
Xidhibaan Biixi Iimaan oo qoraal Afka Ingiriisada ku qoran soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa waxa uu sheegay in Xadhiga loo gaystay weriye Coldoon uu ahaa mid Sharci darro ah.
“Waxaan ka walaacsanahay Xadhiga sharci darrada ah ee lagula kacay Weriye Coldoon oo ka shaqeeya arrimaha Samafalka iyo Bini’aadamtinimada waa arin ceeb ku ah xuquuqda aadamaha” ayuu yidhi Xildhibaan Biixi Iimaan.