Wasiirka arrimaha gudaha Soamaliland oo Adis Ababa dhigiisa Itoobiya kula kulmay
Adis Ababa Dec 16,20149SDN/QJ)-Wasiirka Wasaarada Somaliland Md Cali Warancade iyo taliyaha ciidanka sirdoonka Somaliland Md Jaamac Maxamed Bootaan ayaa booqasho ay ku gaareen magaalada Adis Ababa waxa ay kulan la yeesheen Masuuliyiin sare oo dalkaas ah, sidaa waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray safiirka Somaliland ee Itoobiya Md Ayaanle Salaad Diiriye. Warsaxafadeedka ayaa sidan u dhignaa:
“Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka Arimaha gudaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cali Maxamed warancade oo ay ku wehelinayaan Taliyaha sirdoonka Somaliland, Jaamac maxamed Botan, ayaa soo gaadhay magaalada madaxda Addis Ababa Ethiopia, iyaga oo ka soo kicitimay wadanka kenya magaalo madaxdiisa Nairobi, halkaasi oo ay ku tageen safar shaqo kulamana kula qaateen safaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska iyo madax kale.
Wasiirka iyo weftigiisu intii ay ku sugnaayeen Addis -ababa waxay kulamo gooni gooniya la yeesheen madax sarsare oo ka tirsan xukuumada Ethiopia, sida wasiirka arrimaha gudaha iyo federal ka Dr. Shiferaw Teklemariam, Taliyaha guud ee cidamada Ethiopia, Gen samora yenus iyo maayirka Caasimada Addis Ababa mayor kuma demksa.
kulamadan oo ahaa kuwo hore loo sii qorsheeyey waxaa lagu qaadaa dhigay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Ethiopia iyo somaliland sida nabadgelyada, horumarka, iskaashiga Kulamadan oo qaatay saacado badan waxaa si buuxda Laysula qaatay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal meelna looga soo wada jeedo wixii wax u dhimaya nabadgelyada iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah ee Ethiopia iyo somaliland iyo ta geeskaba”
SDN/QJ-Adis Ababa