Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Nidar ku Maray inuu Hirgaliyo Wareegtadiisii Dib u Habaynta Bilicda Magaalooyinka
Hargaysa 13.Aug (SDN) Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa Sheegay inuu si rasmi ah u dhaqan geli doono Ololaha dib u habaynta Bilicda Magaalooyinka kaas oo hirgali doona 1 bisha September ee inagu soo foolka leh.
Mudane Cali Maxamed Warancade oo maanta ugu waramayay Warbaahinta Xafiiskiisa kadib kulan uu la yeeshay Maayarada Magaaalooyinka waawey ayaa sheegay in Kulankaas ay kaga wada hadlayeen dhaqan gelinta Wareegtadii uu dhawaan soo saaray ee Ku wajahnayd Kor u qaadka Bilicda Magaalooyinka iyadoo laga duulayo ayuu yidhi waxa Bulsho ahaan la qabsan karo.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland waxa uu dadweynaha ku dhaqan Gobolada dalka u soo jeediyay inay u diyaar garoobaan hirgalinta dib u hagaajinta Bilicda Magaalooyinka isla markaana ay kaalintooda ka qaataan garab istaagaana Maamulada dawladaha hoose .
Geesta kale Waxa uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Warancade Waxa uu ugu Baaqay Maamulada Dawladaha Hoose iyo Xildhibaanadooduba inay dib u dhigtaan wixii Xurguf ah ee dhexdooda ka taagan,Gacmahana ay isu qabsadaan sidii looga Midho dhalin lahaa Waxqabadka ay u Ooman tahay Bulshadii soo dooratay.
Wasiirku waxa uu Golayaasha Deegaanka ku adkeeyay inay doorkooda ka qaataan Sidii kor loogu qaadi lahaa Bilicda Magaalooyinka ay Matalaan,Isagoo Sheegay in Maamul kastaba uu ku Khasban yahay dhaqan gelinta Wareegtadaas oo wax weyn ka taraysa Horumarka iyo Saxada Bulshada.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com