Wasiirka Arrimaha gudaha oo maanta ka hor aqriyay Baarlamaanka Soomaaliya sharciga Cusub ee la dagaalanka Argagixisada
Muqdisho 11 June (SDN) Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa markii labaad maanta ka hor aqriyay Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya Sharciga la dagaalanka Argagixisada oo dhowaan Xukuumada soo ansixisay.
Sharcigan oo ah kii u horeeyay ee Xukuumada soo gudbisay ayaa Wasiirka Arrimaha gudaha su’aalo ka weydiiyeen Xildhibaanada, iyadoo xildhibaanada loo qeybiyay nuqulada qoraalka sharcigan.
C/kariin Guuleed ayaa sheegay in hindise sharciyeedkan uu yahay mid cusub oo horay aan loo soo bandhigin, isagoo xusay in lagama maarmaan tahay in lagula dagaalamo Kooxaha Argagixisada.
“Qodobka 80aad ee dastuurka waxaa uu qeexayaa in la sameeyo ciidan gaar ah oo la dagaalama Argagixisada, waxaa lagama maarmaan ah in ciidankaas uu helo sharcigii uu ku shaqeyn lahaa”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal ah, oo lagula jiro kooxaha argagixisada, isla markaana loo baahan yahay in laga hortago kooxaha dhibaatada ku haya shacabka sida uu yiri.
“Sharcigan waa sharci cusub oo aanay horay dalka ugu jirin, sameyntiisa waxay aheyd baahi aad iyo aad muhiim u ah, in sharcigaas la helo, dalka waxaa uu ku jiraa xaalad dagaal”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha.
Wasiirka ayaa sheegay in in Hey’adaha amniga ay dagaal kula jiraan, isagoo xusay in dagaalka lagula jiro argagixisada uu wejiyo badan yahay.
Sharcigan ayaa Mudanayaasha baarlamaanka ay soo aqrin doonaan, waxaana la filayaa marka ay ka doodaan inay ansixiyaan, iyadoo shakiyo laga muujinayo hadii sharcigan uu dhaqan galo saameynta uu bulshada ku yeelan karo.
Waa sharcigii u horeeyay ee la dagaalanka argagixisada ee dowladda Soomaaliya ugu tala gashay la dagaalanka Argagixisada, iyadoo dalalka reer galbeedka uu sharci gaar ah uu ka yaalo waxa loogu yeero Argagixisada Caalamiga ah.
Muqdisho (SDN)
Qurbejoog.com