|

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka Hadlay Socdaal ay ugu Maqnaayeen Jabuuti

Hargaysa 06.July 2014 (SDN/QJ)- Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade oo ay xubno ka yihiin Taliyaha Ciidamada Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan, taliyaha Sirdoonka Qaranka Jaamac Maxamed Bootaan.

Waftigan oo dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay Ku sugnaa Magaaladda Djabouti ayaa wada hadalo la lahaa masuuliyiin ka soo jeeda dhinaca dalka Djabouti.

Wada hadalada labada dhinac ayaa waxaa  ugu waaweynaa sidii la iskaga kaashan lahaa xidhiidhka labada dhinac iyo waliba sidii nabad gelyada ay u wada ilaashan lahaayeen.

Hadaba Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade oo Magaaladda Djabouti ugu

waramayay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ka wada hadleen masuuliyiinta dalka Djabouti sii xoojinta xidhiidhka labada Waddan, waxaanu yidhi

“Waxa aanu runtii isla garanay sidii amaanka loo wada adkayn lahaa waanan  isla qaadanay, waxaana naga dhaxeeya xidhiidhi ganacsi” ayuu yidhi.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed