|

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Caawa Xaaji Saalax iyo Laanmulaaxo Isu Maray,Una Guureeyay Khaatumo iyo Kooxdii Fulisay Dilka Taliyihii Booliska Oo Aan Wali La Hayn

Burco 04.March 2014 (SDN)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde iyo Xunbo kale oo ku weheliya socdaalka baadigoobka kooxdii fulisay dilka taliyihii booliska degmada Xaaji Saalax Hurre Sahal,ayaa goordhaweyd ka amba baxay magaalada Laanmulaaxo halkaas oo ay kulan kula yeedheen odayaasha iyo wax garadka degaankaas oo ay ka wada hadlayeen halka ay marayso baadi goobka iyo soo qabashada gacan ku dhiigleyaashii geystay dilka taliyihii booliska degmadda Xaaji Saalax Hurre Sahal.

Cali Maxamed WarancadeWasiirka iyo Xubnaha la socday,ayaa intaanay tegin malaagalada Laanmulaaxo waxay sii mareen degmada Xaaji Saalax oo ay wada hadal kula yeesheen raaska  uu ka soo jeeday taliyaha la dilay.

Wasiir waran-cadde iyo xubnaha la socda,ayaa rejo wanaagsan ka muujiyay in ugu dambayn aroorta la soo qaban doono.

Dhanka kale weftiyo kale oo ku guda jira baadigoobka iyo soo qabashada kooxda gacan ku dhiigleyaasha ah,ayay ku hawlan yihiin wufuud ay kala hoggaaminayaan Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi iyo xubno ka socda golaha Guurtida Somaliland,ayaa iyaguna dhankooda kaga hawlan sidii loo soo qaban lahaa fooxda geysatay falka lagu dilay taliye Hurre Sahal,iyadoo geesta kalena ay ergooyinka ka kala tegay gudaha dalka oo dhan iyo Weftiga Xukuumadduba ku dedaalaya in aanu dilkaasi keenin aar goosasho ka timaadda qoyska uu ka soo jeeday taliyaha la dilay.

Ugu dambayn Weftiga Wasiirka,ayaa rejo wanaagsan ka muujiyay in gacanta lagu dhigo kooxda dilka fulisay iyadoo ay dadka deegaankuna si weyn ula shaqaynayaan ciidanka ammaanka ee hawl galka ku jira.

Burco SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed