|

Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Wefti Miisaan Leh oo Gaadhay Magaalada Ceerigaabo Iyo Dariiqa ay ku maareeyaan Xaalada ka Taagan Magaaladaasi DAAWO

Hargeysa 17 Nov 2015 (SDN/QJ):-  Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade iyo Wefti balaadhan oo uu Hogaaminayo ayaa Shalay Galabta Waxaa  si diiran loogu soo dhaweeyay Xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Ujeedada Socdaalka Weftiga Wasiir Warancade ayaa Salka ku haysa Shaqaaqooyin Todobaadkii tegay ka dhacay Magaaladaas kuwaas oo keenay in dhowr qof ay ku dhaawacmaan Rasaas ay Ciidamada Boolisku rideen,Xili ay kala eryayeen dadweyne Xayn daab ka dhigay Eedaysane ay Ciidanku ku raad joogeen balse Isku daygaasi uu Suurto geli waayay,Halkaasna uu ka bilaabmay Iska hor imaad u dhexeeya Dadweynaha iyo Ciidanka.

Comments are closed