Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska oo u Kuurgalid ku Sameeyay Hawl Socodka Bilicda Caasimada
Hargaysa 29.October 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Muadane Cali Mamxamed Warancadde oo uu wehelinayo taliyaha ciidanka Booliiska J S L Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa kormeer kusoo maray sida ay u socoto hawsha kor loogu qaadayo bilicda Caasimada Hargaysa oo ay wado dawlada hoose ee Hargaysa.
Hawsha kor u qaadista bilicda Caasimada Hargaysa oo ay wado Dawlada Hoose ee Hargaysa ayaa wejigeedii koowaaad laga bilaabay wadada wadnaha ee magaalada halkaasoo duqa caasimada Hargaysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Maydiid uu ku qaabilay wasiirka arimaha gudaha iyo taliyaha ciidanka Booliiska j s l kuna siiyay warbixin ku saabasan halka ay marayso dib u habaynta bilicda caasimadu islmarkaana faah faahin dheer ka bixiyay hawlaha ay wadaan baaxada ay leeg yihiin, waxaanu maayirka caasimadu sheegay in kor u qaadida bilicda caasimadu in ay socon doonto oo magaaladda guud ahaan lagu dhamaystiri doono, waxaanu intaa ku daray in gaadiidkii hawshaasi lagu qaban lahaa qaybtiisiii u horaysay ay shalay la wareegeen,.
Maayirku waxa uu sidoo kale sheegay in gaadiidka dab damisyada dawlada hoose soo iibsan doonto lacagta ugu badan ay bixisay dawlada dhexe islamrakaana iyagu dawlad hoose ahaan ay ku dareen boqol kun oo dolar waxaanu sheegay in ganacsatadana laga sugayo kaalintii ay ka qaadan lahaayeen.
Wasiirka arimaha gudaha Md Cali Maxamed Warancadde oo halkaasi ka hadlay ayaa maayirka iyo hawlwadeenada dawlada hoose ugu mahad celiyay hawsha dibu habaynta bilicda magaalada ee ay gacanta ku hayaan isagoo sheegay in uu u rajaynayo in ay ku guulaysan doonaan mashruuca lagu qurxinayo bilacda caasimada oo run ahaantii ah mid aad loogu baahnayahay maadaama caasimadu tahay muraayada dalka.
Waxaanu wasiirku ka codsaday bulshada in ay dawlada hoose gacan ka siiyaan hawsha kor loogu qaadayo bilicda caasimda, waxaanu wasiirku gabagabdii usoo jeediyay shirkadaha isgaadhsiinta iyo korantada in ay habeeyaan xadhkaha ay mariyaan magaalada dhexdeeda kuwaasoo dhibaato weyn ku haya bilicda magaalada, waxaanu xusay hadii ay u hogaansami wayaan digniinaha dawlada hoose in la dul saari doono ganaax culus .
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com