Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Gudida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada oo Xal Ka Gaadhay Muran ka Taagnaa Shaqaale ay qaadanayeen
Hargaysa 22.Feb 2014 (SDN)- Xildhibaan xasan cawaale caynaan oo ah Gudoomiyaha Guddi hoosaadka Guddida arrimaha Bulshada ee Golaha wakiilada s/land ayaa maanta ka warbixinaayey kulan dhexmaray wasiirka wasaarada arrmaha Gudaha iyo Gudoomiyaha hay-adda shaqaalaha dowladda .
kulankan oo ku saabsanaa sidii imtixaan looga qaadi lahaa shaqaalaha ay qaadanayso wasaaradda arrimaha Guduhu ayaa xildhibaan xasan cawaale caynaan oo kulankaasi ka warbixinaayey uu sheegay in tiradii imtixaanka soo xaraysatay ay kor u dhaaftay shan kun oo qof, waxaana tiradii loo baahnaa ku soo baxay saddex kun iyo lix boqol oo qof,islamarkaa ay kawada hadleen qaabkii looga qadi lahaa imtixaanka ,
waxaanu xildhibaanku sheegay in ay isla qaateen in labo qaybood laga kala dhigo shaqaalaha imtixaanka laga qaadaayo, maadaama dadka soo xeraysatay codsiyada shaqadu ay yihiin kuwo ka baxay jaamacaddo iyo kuwao aqoontoodu ay ku joogto dugsiyo sare, waxaana dadka imtaxaanka soo codsaday shuruudo lagaga dhigay inay keenaan shahaadadooda oo original ah ka hor imtixaaanka intaan la galin.
Geesta kale wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Warancadde oo kula hadlay xarunta hay-adda shaqaalaha dowladda dhexdeeda muwaadiniinta imtixaanka u fadhiisan doona ayaa sheegay inay ka go-an tahay in imtixaankaasi uu si caddaalad ah u dhaco.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com