|

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo ka warramay nuxurka khudbadii Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa, 02, March 2012 (SDN)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa tafaasiil ka bixiyey nuxurka Khudbadii Madaxwayne Siilaanyo ka jeediyey shirkii Soomaalida ee 23-kii February ka furmay Magaaladda London ee Xarunta dalka Britain, kaas oo sheegay in khudbadaasi ay kor u qaaday qadiyadii Aqoonsi raadiska ee Somaliland, isla markaana sababay inuu sare u kaco xidhiidhka ay Somaliland la lahayd beesha caalamka.

Dr. Maxamed C/laahi Cumar waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo uu shalay galab Wariye Naasir Aadan Maxamed (Nawaa) oo ka tirsan Wargeyska Haatuf khadka tilifoonka ku siiyey isaga oo ku sugan Magaaladda London ee Caasimadda dalka Britain, kaas oo uu kaga hadlay saamaynta uu Somaliland ku yeelan karo Xeerka la dagaalanka budhcad-badeeda ee dhawaan ay meelmariyeen Golaha Wakiiladda Somaliland, tilmaamayna inuu waxtar wayn u leeyahay guud ahaan dalka Somaliland.

Wasiirka Khaarajiga Dr. Maxamed C/laahi waxa kale oo uu ka hadlay ujeedada dawladda Ingiriisku ka lahayd shirkaas Soomaalida, kaas oo tilmaamay inay ka adkaysan wayday dhibaatooyinka Soomaaliya ragaadiyey 20-ii sanadood ee ay dawlad la’aan ahayd.

Ugu horayna isaga oo ka hadlaya khudbada uu Madaxwayne Siilaanyo ka jeediyey shirka London, waxa uu yidhi “Shirkii Magaalada London ka dhacay 23-kii February, Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu ka soo jeediyey Khudbad Qiimo leh oo ka turjumaysa qadiyada Shacbiga Somaliland iyo sida ay dunida uga rabaan Aqoonsi caalami ah. Khudbadaa uu Madaxwaynuhu ka jeediyey shirkaas caalamiga ah waxa laga heli karaa oo lagu baahiyey Barta Internet-ka ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain ku leedahay, Warbaahinta kale ee aduunka ee Madaxabanaanina waxa ay falanqeeyeen hadalkaa Madaxwaynaha oo ay ka marag kaceen inuu ahaa mid waaqaca iyo xaqiiqda ka jirta Somaliland ka markhaati kacayey, waxaananu rajaynaynaa in Qudbadaa Madaxwaynuhu Madashaa ka jeediyey inay wax badan ka badali doonto Fikradii ay dunidu ka qabtay qadiyada Somaliland, taas oo keenta inay si wanaagsan uga bogtaan in ka badan 50 dal oo ka soo qaybgalay shirkaas xaqiiqada Somaliland ka jirta oo aynay markii hore waxbada kala soconin”.

S: Ma Jiraan Wax Cadayn ah oo Video ah oo laga qabtay markii uu Madaxwayne Siilaanyo ka Qudbadaynayey Shirkaas?

J: Dadka iyo Warbaahintu waxa ay xooga saareen dhawrkii Masuul ee ugu horeeyey ee shirkaa ka hadlay, laakiin may wada baahin dhawr iyo kontankii Dal ee shirkaas ka hadlay Masuuliyiintii u hadashay, markaa lama wada baahin hadalada Masuuliyiintaas oo dhan, laakiin waxa sida cad-ceeda u cad in Madaxwaynaha Somaliland uu shirkaa ka hadlay, waxaan taas cadayn ugu filan hadalada laga heli karo Website-ka Wasaaradda Khaarajiga ee Ingiriiska iyo sida ay u wada cadeeyeen Madaxdii shirkaas ka soo qaybgashay oo qaar badan oo aan qadiyada Somaliland raali ka ahayn ka mid yihiin oo ka hadlay sida ay u arkaan hadalkii Madaxwaynaha Somaliland ka jeediyey shirkaas London, kuwaas oo in badan oo ka mid ahi ay ka markhaati kaceen.

S: Shirkaa London ee markii hore in badan oo reer Somaliland ahi ay shakiga ka muujiyeen guul iyo guul daro midkee ayuu Somaliland dhaxalsiin karaa ayaad u malaynaysaa?

J: Waxa sida Cad-ceeda u cad in shirkaa London ee waftiga Madaxwaynuhu hogaaminayaa uu ka qaybgalay inuu wax wayn ku soo kordhiyey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland, waxaanan odhan karaa waxa Somaliland uu dhaxalsiiyey inay guulwayn ka keento shir caalami ah. Waxa kale oo aan ka xusi karaa faa’idada uu shirkaasi inoo keenay in dunidu markii ugu horaysay mudo 20 sano ah ay Somaliland iyo Soomaaliya ay u kala qaadeen laba dal, isla markaana waa markii ugu horaysay ee Madaxwayne Somaliland ahi uu la hadlo dhawr iyo kontan dawladood oo dunida Saamayn ku leh. Markaa waxa aan aaminsahay in ka qaybgalka shirkaasi uu albaab cusub iyo mustaqbal cusub uu u furay qadiyada aqoonsi raadiska ee Somaliland, waxa kale oo ay keentay in aanay maanta ka dib dhici doonin in cid kale oo matasho Somaliland oo ay aduunyadu si toos ah ula soo macaamili doonto.

S: Waa maxay danta ama faa’idada dawladda Ingiriiska ugu jirta inay qabato shir lagaga hadlayo arinta Soomaalida?

J: Dawladda Britain waxa ay ka mid tahay dawladaha waawayn ee danaynaya in la soo afjaro dhibaatada ka taagan Soomaaliya mudada dheer, waxaanay ka mid yihiin dawladaha arkaya khatarta ay dunida u keeni karto dhibaatada Soomaaliya oo sii socotaa, isla markaana waxa ay dawladda Ingiriisku damacsan tahay in la soo afjaro dhibaatada xaga binu aadamnimada ee ka jira Somalia iyo gaajada iyo macaluusha wayn ee ka taagan Soomaaliya. Markaa duniduna waxa ay go’aansatay in la soo afjaro dhibaatooyinkaas, taas ayaa keentay inay shirkan gadhwadeen ka noqoto xukuumadda David Cameron.

S: Madaxwaynaha Soomaaliya Sh. Shariif markii uu ka soo noqday shirkii London waxa uu sheegay inay Somaliland iyo Somalia ay ka wada hadlayaan danta Soomaaliwayn, sidoo kalena waxa uu sheegay inuu aqoonsan yahay Maamulkii dhawaan lagaga dhawaaqay Shirkii Taleex, arintaasi siday kuula muuqata?

J: Inkasta oo aanan maqlin hadalkaas Madaxwaynaha Soomaaliya, hadana waxa kaliya ee aan ogahay ee caalamkuna markhaati ka yahay waa in Somaliland iyo Soomaaliya ay sidii laba dawladood oo jaar ah ay u wada hadli doonaan iyo sidii ay arimaha Mandaqada iyo danaha labada dal ay uga wada shaqayn lahaayeen waxaan intaas ahayn oo ay ka wada hadlayaan Somaliland iyo Soomaaliya ma jirto.

S: Xeerka la dagaalanka Budhcad-badeeda ee ay golaha Wakiiladu ansixiyeen dhawaan miyaanu ahayn Xeer waxyeelaya danaha iyo Amaanka Somaliland?

J: Xeerka Budhcad-badeeda ee ay Golaha Wakiiladda Somaliland ansixiyeen waxaan u arkaa Xeer Mihiim ah oo Somaliland ay caalamka kala shaqaynayso danaha iyo amniga mandaqada, sidoo kale Xeerkan Budhcadbadeeda ee Wakiiladu ansixiyeen waxa uu Somaliland ka dhigayaa dal nidaamkooda sharci iyo nidaamkooda garsoorka ah ay dunidu aqoonsan tahay, waxaanu xeerkani Somaliland dhaxalsiinayaa inay caalamka wada shaqayn fiican la yeelato, isla markaana aynu taageero wayn u helno qadiyadeena iyo rabitaanka shacbigayaga. Markaa iima muuqato khatar uu xeerkaasi Somaliland ku noqon karo, laakiin waxa uu wax u tarayaa xidhiidhka aynu bulshada la leenahay oo uu kor u qaadayo Qadarinta ay Somaliland ku leedahay caalamka.

S: Imika waxa durtaba soo ifbaxday khatarta Xeerkaasi ku leeyahay danaha Somaliland, sababta oo ah waxa jira Markab u rarnaa Ganacsato reer Somaliland ah oo budhcad-badeed afduubatay, Khatartaas dawlad ahaan maxaa idiinka qorshaysan?

J: Somaliland dawlad ahaan waxay ka hawlgalaysaa sidii Markabkaas si nabad ah loogu sii dayn lahaa oo loogu furdaamin lahaa, waana arin aanu dhaleecaynayno, isla markaana anaga iyo Caalamkuba waxaanu ka wada shaqaynaa sidii Markabkaas si nabad ah loogu sii dayn lahaa.

SDN, Hargeisa Somaliland
Source: Haatuf

Comments are closed