Wasiirka Arrimaha Dibedda Oo Hoos U Dhaca Adeegyada Dekedda Berbera Ku Dhaliilay Maamulka Shirkadda DP World & Fariin uu u Diray Siyaasiyiinta Somaliland ee Xilalka u Doonta Muqdisho DAAWO
Hargaysa 25. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay Hoos u dhaca laga dareemayo Dekedda Magaalada Berbera tan iyo markii ay Maamulkeeda la wareegtay Shirkadda DP World.
Wasiir Sacad Cali Shire wuxuu sheegay in Adeegyada Dekedda Berbera si wanaagsan u socdaan, laakiin Mushkiladda jirtaa tahay in Rogidda ama Dejinta Alaabooyinka Maraakiibtu sidaan oo dib u dhaca ama Daaha, taana ay Masuuliyaddeeda leeyihiin Maamulka Shirkadda DP World ee Dekedda Berbera.
Wasiir Sacad oo u warramay Telefiishanka HCTV oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dekeddu si wanaagsan bay u socotaa, laakiin Dib u dhacbaa jira, kaasi oo ka yimid xagga Maamulka, qalabkii lagu xoojin lahaa Dekedda isagana dib u dhacbaa ku yimid. Markaa Mushkiladda Dekedda ka taagan oo ah Maraakiibtii oo daahaysa waxay ka timid Maamulka, waxaanuna rejaynaynaa in la saxo, imika Shirkadda DP World wefti ballaadhan baa ka jooga Berbera oo Arrinkaa u yimid, Annaguna in badan baanu kala hadalnay Arrinkaa, waanuna ku daba-galaynaa.”
Wasiirka Arrimaha dibeddu waxa kale oo uu ka hadlay isla-markaana ka digay in Siyaasiyiinta Somaliland Xilalka ka soo qabtay ama aan ka soo qabanin inay Qadiyaddooda ku iibsadaan Mansab ay meel kale ka qabtaan, “Runtii, waan ka xumahay waanan uga digaynaa Dadka Reer Somaliland ee halkan Xilka ka hayn jiray ama aan kaba hayn jirin, ee Dalkoodii iyo Sharaftoodiiba siistay Mansab ama Maal, waana Arrin aan uga digayo hadday dhallinyaro tahay iyo hadda Siyaasiyiin tahayba..”ayuu yidhi.