Wasiirka arrimaha dibedda Iran oo si weyn Tehran loogu soo dhaweeyay,hashiiskii Nuclearka ee Geneva ka dib
Tehran Nov 25,2013(SDN)-Wefdigii dalka Iran uga qeybgalay gorgortankii dalkaasi la galay reer Galbeedka ee Barnaamijka Nuclear-ka oo mudo tobaneeyo sanadood ka dib heshiis laga garay Axadii.
Wefdiga Iran uga qeyb qaatay wadahadalada oo uu hogaaminayay wasiirka arrimaha dibedda ee dalkaasi Maxamed Javad Zarif ayaa gegida duyuuradaha ee Tehran si weyn loogu soo dhaweeyay.
Boqolaal ruux oo sita sawirada madaxweynaha dalkaasi iyo mr Zarif ayaa ku qeylayay ereyo ay ku muujinayaan guusha uu soo hooyay.
Iran ayaa dhawrka bilood ee ina soo haya laga dabcin doonaa cunaqabateyntii saareyd halka dhankooda ay hakin doonaan barnaamijka Nuclear-ka.
Sidoo kalena Iran waxa ay heli doontaa aduun dhan 7 billion oo dollar mudaadaa dhawrka bilood ah.
Mr Zarif oo saxaafada kula hadlay Tehran ayaa sheegay in dhankooda ay kolka ay doonaan dib u bilaabi karaan barnaamijka Nuclearka in kasta oo uu sheegay in ay rejeynayaan in sidaasi aaney dhicin.
Dawlada Isreal ayaa aad uga soo horjeestay heshiiskan reer Galabeedku Iran kala galeen Nuclearka oo uu raiisul wasaarahoodu uu ku tilmaamay “khalad taariikhi ah”.
SDN-Tehran
contact@somalidiasporanews.com