|

Wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland oo ka beensheega safarada masuuliyiinta Somaliland booqda(DHEGEYSO)

Hargeysa Jan 21,2012(qurbejoog.com)-Wasirka wasaarada arrimaha dibedda ee Somaliland Md Maxamed Cabdilahi Cumar ayaa tiraba dhawr jeer ka been sheegay doorka uu ku leyahay safarada masuuliyiinta booqashada ku taga Somaliland.

Wasiirka ayaa hore uga beensheegay in uu ku lug lahaa safar uu dalka ku yimi Xoghayaha urur goboleedka IGAD  Md Maxbuub Macalim oo uu sheegay in uu isagu ka danbeeyay kana shaqeeyay sidii uu safar ugu iman lahaa Somaliland.

Xogahayaha ayaase sheegay in uu wasiirka arrimaha dibedda kula kulmay uun duyuuradii uu dalka ku yimi.

Dhawaana waxa dalka booqasho ku yimi Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka dalka Kenya Md Faarax Macalim oosafarkiisuna la xidhiidhay xal u helida colaada degmada Buuhoodle.

Faarax Macalim ayaa booqashadiisu timi ka dib kolkii uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka helay codsi uu uga talo bixinayo colaada Buuhoodle.

Balse wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland ayaa arrinkan ka war helay kiyoo booqanaya Nairobi isla markaana ku soo lug daray guddoomiyaha.

Wasiirka ayaa dalbaday saxaafada Somaliland oo hadal uu u jeediyay kolkii uu soo gaadha Hargeysana ku sheegay in uu  soo kexeeyay Faarax Macalim.

Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Kenya Md Faarax Macalim ayaase saxaafda ka hor qiray in wasiirka arrimaha dibedda wada socon balse ay ku kulmeen uun duyuurad ka soo wada qaaday Nairobi.

HALAKAN GUJI SI AAD UGA BOGATO JAWAABTA FAARAX MACALIN

Qurbejoog-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed