|

Wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland oo fadhiisan ka sameystay Nairobi,maxay tahay sababtu?

Nairobi Feb 14,2012(qurbejoog.com)-Wasiirka wasaarada arrimaha dibedda ee Somaliland Md Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa intii xilkan loo magacaabay waxa uu u raray xafiiska wasaararadaasi magaalada Nairobi ee dalka Kiinya.

Wasiirka ayaa hawlmaaldka xafiiskiisa ku koobay uun waafijinta hawlaha xafiiska ergeyga gaadhka ah ee QM Augustine Mahiga.

Ilo wareedyo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in si badheedha loogu wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland oo gaafwareegaya xafiisyada QM iyo kuwa ha’yadaha gargaarka ee fadhigoodu yahay Nairobi,halka uu xooga ka saari lahaa dardargelinta hawlaha xukuumadeed ee loo igmaday.

Wasiirka ayaa kolba Hargeysa yimaada kolka uu ka wahelo in masuul ka socda caalamku booqanayo Somaliland,ka dibna dalbada saxaafada si uu isula sawiro wefdiyada.

Wasiirka ayaa tiraba dhawr jeer masuuliyiin booqaneysay Hargeysa oo uu sheegay in uu soo kexeeyay au sheegeen in ay duyuurada uun ku kulmeen.

Hadal heynta ugu badan ayaase ah in Wasiirka wasaarada arrimaha dibedda ee Somaliland Nairobi u joogo raajicinta shaqo uu ka helo ha’yadaha QM iyo caalemiga ah.

Wasiirka ayaa ku jira mid ka mida Hotelada Nairobi oo kharashkiisana uu bixiyo ergeyga gaadhka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga.

Wasiirka ayaa garab iyo gaashaan ka heysta wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo kolba madaxweyne Axmed Siilaanyo u amaana cida ay isku dhan wax u wadaan,sida shalay uu xaqiijiyay agaasimihii hore ee wasaarada arrimaha dibedda Somaliland.

Qurbejoog-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed