|

Wasiirka Arrimaha Dibeda Kenya:Sheekh Shariif ayaa ka danbeeyay qaraxii Muqdisho la igula beegsaday

Nairobi Sept 18,2012(SDN)-Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Kiinya Sam Ongeri oo dhawaan booqasho uu ku tegay Muqdisho qarax lagula beegsaday ayaa saxaafada u sheegay in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif in uu ka danbeeyay weerarkaasi.

Sam Ongeri ayaa sheegay in uu ka fejacay in madaxweyne Sheekh Shariif si degdega ugu soo galay Hotel Al Jezira oo ah halka qaraxu ka dhacay.

“Waxaan aad ula yaabay degdega ee uu Shariif  noogu yimi iyo sida uu u degenaa ee aanu wax dareena u muujinin”ayuu yiri wasiirku.

“Sheekh Shariif waxa uu hore Kiinya uga codsaday in ay ka caawiso in xilka uu sii hayo,taana waan u sheegay in aaney aheyn waxa aanu dooneyno”ayuu mar kale yiri Sam Ongeri.

Waa markii u horeysay ee masuul Soomaaliyeed uu wasiir dal kale ku eedeeyo in uu ka danbeeyay qarax lala beegsaday.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaan weli wax jawaaba ka bixin eeda la yaabka leh ee uga timi wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Kiinya.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed