Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland & Wefti ka Socda Waddanka Sweden oo Kulan Yeeshay & Qodobada laga wada hadlay DAAWO
Hargaysa 12. April 2017 (SDN/QJ):- Wefti ka Socda Dalka Sweden ayaa waxay Kulan la Qaateen Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo ay Weheliyaan Madax Sare oo Ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibada.
Markii Kulankaasi Soo dhamaaday Waxaa Saxaafadda Si wada Jir ah ula hadlay Wasiirka Arrimah Dibadda Dr Sacad Cali Shire oo Sheegay inuu ku faraxsan yahay Imaanshiiyaha Weftigan ee Somaliland iyo Xildhibaan. Magnus Oscorsson oo dhankiisa Sheegay in Marka uu Ku noqdo Dalkiisa Sweden uu gaadhsiin doono Xaqiiqada dhabta ah ee Somaliland Ka Jirta Iyo Horumarka ay Ku Talaabsatay Wasiirka iyo Xildhibaanka.