Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Sheegay inay Maxkamadda Caalamiga ah u Gudbin doonaan Dacwad la Xidhiidha Aqoonsi raadinta Somaliland DAAWO
Addis Ababa 01 Feb , 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr:Sacad Cali Shire oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Addis ababa ee xarunta Ururka Midnimadda Africa ayaa ka hadlay arrimo door ah oo ay ka mid Tahay in Somaliland dhawaan u Gudbin doonto Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ Dacwad ku saabsan Qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland.
Sidoo kale wasiirka wasarada arimaha dibada Somaliland Dr : sacad cali shire wuxuu ka hadalay hadal hore uga soo yeedhay xukumada somaliya oo sheegayey inuu Somaliland ka mid tahay wax laysku yidhaahdo soamliya waxaanu wasiirku sheegay inaanay Somaliland ka mid ahayn somaliya tahayna dalka ka madax bannaan.