|

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Oo Noqonaya Qofkii Ugu Horreeyay Ee Soomaali Ah Oo Qaaata Baasaboorka Qaaradda Afrika

Kigali (QJ/SDN) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Dalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa waxa uu noqonayaa qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah kaasi oo qaata baasaboorka qaaradda Afrika ay ku midowday ee African Passport. Kaasi oo dhawaan bixintiisa laga bilaabay dalka ruwaanda caasimaddiisa Kigali.

Wasiir Hadliye oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu qaato hal Baasaboor oo ka dhaxayn doona qaaradda Afrika dalalka Ku yaalla.

Baasaboorka cusub ee qaaradda afrika ayaa waxa uu noqonayaa baasaboorkii ugu horeeeyay ee dalalka midowga afrika si wada jir ah u isticmaalaan – kaasi oo fududayn doona isku socodka qaaradda.

Comments are closed