Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Oo Muqdisho kula Kulantay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka U qaabilsa Afrika iyo u Nuxurkii Wada-hadalladooda
Muqdisho:15-Dec-2013(SDN)-Haweenayda Ra’isul wasaaraha ka ah Dawladda Federalka Somalia Fosiya Yuusuf X. Aadan ayaa shalay Magaalada Muqdisho ku Qaabishay Kaaliyaha xoghaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Ambasador Linda Thomas-Greenfield.
Marwo Fosiya ayaa ka hadashay imaatinka Haweenaydani ku timi Muqdisho, waxana ay tilmaantay inay caddayn u tahay xidhiidhka wanaagsan ee Somalia la leedahay maraykanka.
Madaxweynaha dowladda Mareykanka Barrack Obama ayaa taageeray dowladda cusub ee Soomaaliya bishii January ee sanadkan, taasoo keentay taageerada ugu badan beesha caalamka ay u muujiso Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ayaa waxa ay ku tilmaamtay taageerada siyaasadeed ee Madaxweyne Obama uu siiyay Soomaaliya ay horseed u noqotay in safaarado badan iyo ururo caalami ah ay xarumo ka furtaan Muqdisho , waxa ayna tidhi “ waa isbadal soo dhoweyn leh, qurba joogga Soomaaliyeed waxa ay bilaabeen iyana inay dib ugu soo laabtaan wadanka , waxaana ka muuqata Soomaaliya ifafaalo weyn”.
Ra’iisul wasaare kuxigeenku , waxaa kulanka ay la yeelatay Ambasador Linda Thomas-Greenfield Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika ay kala dooday arrimo badan oo diiradda saaraya Xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal , amniga , shaqaaleynta,horumarinta iyo xaaladda siyaasadeed ee wadanka uu hadda ku sugan yahay .
Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa ka codsatay dowladda Mareykanka inay kaalin hogaamineed oo muuqata oo xoog badan ay ka ciyaarto sidii Soomaaliya ay ku heli laheyd taageera maaliyadeed oo toos ah .
S.D.N