|

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka oo Si adag uga Falceliyey Cuno-qabataynta Maraykanku ku Soo Rogay iyo Qunsuliyadii Sanfaransiisko oo Albaabada loo laabay

Moscow 03. September 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Ruushka Mr: Sergay Lafaroof ayaa si cadho ku jirto ugu dhawaaqay in dawladiisu jawaab ka bixin doonto cunaqabataynta maraykanku ku soo rogay dalkiisa iyo Qunsulyada Ruushku ku lahaa magaalada Sanfaransiisko oo albaabada loo xidhay .

Mr: Sergay Lafroof, waxa uu intaasi ku daray in dawlada Ruushku si adag uga baaraan degayso jawaabta laga bixinayo talaabooyinka u dembeeyey ee maamulka maraykanku qaaday, isagoo ku tilmaamay in ay dabo socoto qorshayaashii  madaxweynihii hore Obama kaga eryey dalka maraykanka shan iyo sodon diblomaasi oo u dhashay Ruushka.

Geesta kale, kooxha dab damiska ee magaalada Sanfaransiisko ayaa sheegay in qiiq xoogan uu ka soo butaacay Qunsuliyada Ruushku ku lahaa Sanfaransiisko laguna gubay waraaqo iyo qalab xaasaasi ah.

Comments are closed