|

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Iran oo u Kicitimay Magaaladda New York iyo Ujeeddada Socdaalkiisa

New York 14. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Arimaha dibada ee Jamhuriyada Iran Maxamed jawaad dariif ayaa waxa uu u ambabaxay magaalada Newyork ee dalka maraykanka, halkaas oo uu kaga qaybgelayo fadhiyada shirweynaha caalamiga ah ee horumarinta oo ka dhacaya xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada newyork

Kanaalka telefishinka ee Russia Today oo soo xiganayey Afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee Iran Mr Bahram Qaasimi ayaa sheegay in wasiirka arimaha dibada ee Iran uu Magaalada new York kula kulmi doono mas’uuliyiin iyo dhaqaalayahano caalami ah oo kulankaa ka qaybgelaya

Jawaad dariif ayaa la filayaa in inta uu Joogo Dalka Maraykanka uu  warbixin ku saabsan xaalada bariga dhexe ka jeediyo xarunta xidhiidhka arimaha dibada ee Dalka maraykanka.

Comments are closed