Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo ka hadlay Hakadkii ku Yimid Fiisaha Dal Ku Galka Itoobiya oo haatan dhamaaday DAAWO
Hargeysa, 25.June 2015 (SDN/QJ)-:- Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka hadlay hakadka ku yimi Fiisaha waddanka Itoobiya lagu galo ee Somaliland oo maalimihii u dambeeyey ay dadka doonaya inay u socdaalaan waddankaasi cabasho xoogan ka muujinayeen.
Wasiir Biixi oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa raaciyey “Xidhiidhka labada waddan aad ayuu u wanaagsan yahay intii horena wuu ka sii wanaagsan yahay, xidhiidhka Dawladda Somaliland iyo itoobiya waa mid taariikhiya, waa mid waaltinimo leh oo aanu aad isagu dhaw nahay, wax dhibaato ah oo ka dhici kara labada waddan dhexdooda ma jirto, waxaan qabaa waa dadka aanu dad isgu dhawnahay oo mararka qaar hakadkaas yari wuu dhici karaa, laakiin wax isbed ah oo ka dhacay xidhiidhka labada dal ma jiro oo waxaan odhan karaa waa uu sii xoogaystay”
Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sheegay inuu baaqday shir loo ballansanaa bishan aynu ku jiro oo dib loo dhigay “Kulankaasi waxa uu ahaa inuu bishan labadeedii dhaco oo loo ballan sanaa, laakiin dib ayaanu u dhignay oo waxa nagu soo kordhay bisha Ramadaanta, waanu ka ballan sanahay, waxaanu u ballansanahay bisha Julay 7-deeda shir ka dhici doona Nairobi oo lagaga hadlayo mashruuca Wajaale ee Berbera Coridor, waxaana qabatay Eu-da waxaanay u ballan sanyihiin illaa Wolbanka in la kulmo wakhtigaas oo lagaga hadlo arrintaasi”
Hargeysa SDN/QJ