|

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo Jawaab ka Bixiyey Hadal ka soo Yeedhay Safiirka Midowga Yurub

Hargeysa, 23 September, 2016-(SDN/QJ):– Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa jawaab ka bixiyey wareysigii Wargeyska Geeska Afrika uu la yeeshay Safiirka Midawga Yurub ee Somaliland iyo Somaliya, danjire Michele Cervone d’Urso, isagoo Wasiir Sacad difaacay go’aanka madaxweynuhu dib ugu dhigay doorashada ee ay beesha caalamku ka qaylisay. Danjire Michele ayaa Geeska Afrika u sheegay in go’aanka madaxweynuhu dib ugu dhigay doorashada golaha wakiiladu uu wiiqay kalsoonidii beesha caalamka ee

 

sacad-cali-shire-and-michele-cervone-dursoWasiirka Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire ayaa isagoo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay hadalkii uu Madaxweynaha Kenya uu ku sheegay in aanu Somaliland aqoonsayn. Waxaanu waraysiga Wasiir Sacad u dhacay sidan

Wargeyska Geeska Afrika wuxuu wareysi la yeeshay Safiirka Midawga Yurub ee Somaliland iyo Somaliya, waxaanu wareysigaas ku sheegay in go’aanka Madaxweynuhu keenay in kalsoonidii Caalamka ee Somaliland wiiqantay,  markaas sidee ayaad aad u aragtaa?

 

Somaliland kalsoonidii Calaamka may wiiqin, kaliya waxay ku talaabsatay waxay xaq u leedahay, waxaanan ku kalsoonahay in aanay marnaba Somaliland waayeen ama wiiqayn kalsoonida Caalamka, go’aanka Madaxweynuhuna waa rabitaanka Shacabka, marka kalsoonida Caalamkuna waxay ku saleeysan tahay Dimuqraadiyada iyo degaanshaha  Somaliland, go’aankii Madaxweynuhuna waa mid sii adkaynaya Dimuqraadiyada, deganaasha iyo midnimada,go’aankana waa go’aan uu shacabku taageersan yahay sidii laga arkay shaashadaha,  talaabooyinka iyo go’aanka Madaxweynuhu qaaday waxay adkaynayaan kalsoonidu ay Shacabku ku qabaan dawladda, markaas go’aanka Madaxweynuhu wuxuu xoojinaya Dimuqraadiyada midnimada iyo deganaasha, in kalsoonida Caalamka xoojiso mooyaane ma daciifin karto.

 

Beesha Caalamka iyo Wadamada Somaliland ka taageera dhinaca Doorashooyinku go’aankii Madaxweynaha way ka soo hor jeesteen, wayna dhaliileen, marka sidee ayaad u aragtaa fikirkooda?

 

Iyagu waxba inaguma qasbayaan ee waxay jecel yihiin inay labada Doorasho mar wada dhacaan, inaguna waxaynu dan u aragnaa in la kala qaado, marka waxaanu rajaynaynaa oo aynu quud daraynaynaa inay inala qaatan rabitaankeena,Wadan kastaana isaga ayaa garanaya wuxuu u baahan yahay.

 

Haddii go’aanka Madaxweynuhu ku kala qaaday labada Doorasho uu dhaqan galo, oo codsiga Wadamada Somaliland ka caawiya Doorashooyinka la diido, haddii ay diidaan kharashka ay ku bixiyaan Doorashada Xukuumaddu ma bixinaysaa oo dhabarka ma u ridaynaysaa kharashaadka Doorashooyinka?

 

Horta wali may odhan Doorashada idinka caawin mayno, ee Doorashada labaad bay ka hadlayaan, taas lafteeda waxaan filayaa inay inaga caawin doonaan, balse haddii ay dhacdo inay inaga caawin waayaan, Somaliland marxalado fara badan ayey soo martay, wey ka soo gudubtay iyadoo dadkeeda iyo xoolaheedaba  ku tashanaysa, marka insha allah waanu isku tashan doonaa.

Comments are closed