|

Wasiirka Arrimaha Dibada oo Soo Gaadhay Wadanka Jabuuti si Weyna loogu soo dhaweeyay

Jabuuti 02.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay dalka Jabuuti waxaana madaarka kaga ku qaabilay Wasiirro ka tirsan xukuumada dalkaasi oo uu Hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamuud Cali Yuusuf iyo Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Jabuuti Cabdi Xuseen Axmed.

Wasiirka arrimaha dibada golaha“Waxa saaka si weyn iigu soo dhaweeyay dalka Jabuuti Wasiirka Khaarajiga iyo Wasiirro kale, sidaad la socotaan Somaliland iyo Jabuuti waa laba dal oo walaalo ah oo cilaaqaad faro badani ka dhaxeeyo, sidaas awgeed, ayaan u imid dalka Jabuuti si aan ugala hadlo arrimo badan oo khuseeya danaha labada dal,”ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi oo markii uu ka degay Jabuuti saxaafadda u waramayay.

“Xidhiidhkaas sidii loo sii xoojin lahaa ayaan u socdaa inaanu ka wada hadallo dawladda Jabuuti,”ayuu intaas raaciyay Wasiirku.

Wasiirka Khaarajiga Somaliland waxa uu sheegay mudada uu ku gudo jiro socdaalkiisa Jabuuti uu la kulmi doono masuuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweynaha, Raysal wasaaraha, Wasiirka Arrimaha dibada iyo masuuliyiin kaleba.

Waxa kale oo ka mid ahaa masuuliyiintii Wasiirka soo dhawaysay Wakiilka Somaliland u fadhiya Jabuuti Maxamed Xirsi Qalinle.

Jabuuti SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed