Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Qeexay Maalgalinta Dubai World Iyo Xaddiga Lacageed Ee Xaqal Qallin Ee Somaliland La Siiyey
Hargaysa 11,May 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Mudane Sacad Cali Shire oo isagu Doraad magaalada dubai ku saxeexay heshiis maalgashi ee dhex maray Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, oo dalka ku soo laabtay ayaa warbaahinta uga waramay heshiiskani, waxaanu sheegay in heshiiskan la horgeyn doono golaha wasiirada iyo golaha wakiiada.
Wasiir Sacad ayaa hadalkiisa waxa uu ku bilaabay
“Waxaanu qabnaa heshiiskaasi oo qaybtiisii hore aanu soo saxeexnay, qaybta weyn ee danbena marka la saxeexayo waxay mari doontaa golaha wasiirada iyo golaha Baarlamanka, runtiina waa wax cad oo aan qarsoodi aheyn, oo lagu gaadhayo qol, waxaananu qabnaa in arrinkaasi lagu gaadhayo faa’iidooyin badan, shaqo badan abuuri doona, inagu xidhi doona waddamo badan oo jaarkeena ah, runtiina waa arrin faa’iido leh oo inoo soo kordhay Somaliland ahaan iyo gobolka intiisa kaleba, mashaariicdan oo kale caalamka way badan yihiin, sanadaha inta badan la isa siiyaana waa isku mid, waana min soddon sano ilaa konton sano, shirkadihii kale ee hore inoogu yimidna muddadan oo kale ayey qabsadeen”.
Wasiir Sacad waxa kale oo sheegay in Somaliland la siiyey lacag xaqul-qallin ah “way jirtaa lacag xaqul-qallin ah, waana shan iyo toban milyan oo kala ah shan milyan oo lagu soo iibin doono maraakiibta maraakiibta soo xidha iyo toban milyan oo kaash ah”.
Wasiirku waxaanu intaasi ku daray in tobankaa milyan ee kaashka ahi ay toos u tagayaan wasaaradda maaliyada iyo sanduuqa dawlada.