Wasiirka Arrimaha Dibada oo ka Warbixiyay Diyaarad Maalintii Shalay laga Celiyay Hawada Somaliland
Hargaysa 19.June (SDN) Wasiirka wasaarada arimaha dibadda JSLand Mud, Maxamed C/llahi Cumar, ayaa maanta xog-waran ka bixiyey dayuuradii ay xukuumadda Somaliland ka celisay Hawadeeda maalintii shalay , loona diiday inay ku soo degto Garoonka Dayuuradaha ee Cigaal international airport ee caasimada Hargeysa,ka dib markii ay howl-wadeenada Wasaarada duulista ee Hagista Duulimaadyada dayuuradaha ay u cadaatay in Dayuuradaasi ay Ruqsad ka soo qaadatay muqdisho.
Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed C/llahi Cumar, waxa uu sheegay, in dayuuradaas oo duulimaadkeeda ka soo bilowday magaalada Jabuuti, ay Ruqsad uga soo qaadatay hawada Somaliland magaalada muqdisho ee dalka somalia, taas oo uu sheegay in ay baal mar-santahay go’aankii ay somaaliland dhawaan soo saartay ee la xidhiidhay maamuulista hawadeeda.
Waxaanuu wasiirku intaa ku daray,in dayuuradaasi lagu war-geliyey inaanay Garoomada dalka ku soo degi Karin. , sidaasina ay dib ugu noqotay, waxaanuu xusay inay tahay markii ugu horaysay ee dayuurad dal kale leeyahay ama ay shirkadi leedahay ee ku xad-gudubta Go’aankii Jamhuriyadda Somaliland ee hawada.
Wasiirka arimaha dibadda Somaliland waxa kale oo uu sheegay, in dayuuradani ay ahayd dayuurad Rakaab siday, ruqsadna aan ka haysan somaaliland, wax gar-gaar ah oo ay sidayna aanu jirin,sidaas darted iyada oo laga jawaabayo Madaxbanaanida dalka, dayuuradan oo ku soo xad gudubtay hawada dalka dib loo l celiyey .
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com