Wasiirka Arrimaha Dibada oo ka Hadlay Shirkado Shiine ah oo doonaya inay Maalgashadaan Somaliland
Hargaysa 03.July 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Khaarajiga Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka hadlay shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha oo danaynaya inay maalgashi ku sameeyaan Somaliland.
Wasiir Biixi oo dib ugu soo laabtay Hargeysa shalay, kadib safar uu ugu maqnaa dalalka Jabuuti oo uu kaga qaybgalay xuska sannad-guurada 38-aad ee ka soo wareegtay xorriyaddiisa iyo Itoobiya oo uu u tagay shir caalami ah oo ay iska kaashadeen dawladaha Chine iyo Itoobiya, kana qaybgaleen ilaa 140 kambani oo Shiine ah.
Wasiirka oo masuuliyiin badan oo dawladda ka mid ah ku qaabileen madaarka diyaaraha ee Hargeysa kadib warbaahinta ugu warramay qolka nasashada, ayaa sheegay inuu kulamo la yeeshay qaar ka mid ah maalqabeennada Shiinaha ee joogay shirkaasi oo ay ka wadahadleen mashaariic horumarineed oo ay jecel yihiin inay ka maalgeliyaan Somaliland.
Isagoo arrintaasi faahfaahin ka bixinayeyna waxa uu yidhi, “Waxaan magaalada Addis Ababa ee Itoobiya kaga qaybgalay shir wayn oo ay isugu yimaadeen 140 kambani oo ah kuwa ugu waawayn waddanka China, kaas oo ay wada qabteen dawladaha Itoobiya iyo China oo uu ku wehelinayey Baanka Adduunka.
Waxaan halkaa kula kulmay dad fara badan oo maalqabeenno ah oo raba inay maalgashi ku sameeyaan Somaliland, gaar ahaan jidadka, laydhka, dariiqa koridoorka (waddo la doonayo inay isku xidho Berbera iyo Itoobiya) iyo biyaha, kuwaas oo ay aad iyo aad u muujiyeen inay kalgacal u hayaan, maadaama Somaliland tahay waddan xasilloon oo nabad ah inay maalgashi badan geliyaan, annaguna insha Allaahu waannu la sii wadi doonnaa,” ayuu yidhi Md. Maxamed Biixi.
Dhinaca kale, Wasiirka Khaarajiga waxa uu xusay inay kulamo dhexmareen madaxda dalka Jabuuti oo wefti uu hoggaaminayey ka qaybgaleen dabbaaldegga sannad-guurada 38-aad ee ka soo wareegtay xornimadooda, isagoo ka mahadceliyey soo dhawayn iyo qaabilaad wanaagsan oo loo soo sameeyey.
Hargaysa SDN/QJ