|

Wasiirka Arrimaha Dibada oo dhinac isaga Leexiyay Tuhuno la Xidhiidhay inuu Mashruuc biyo Gelin ah ka Wado Xaafado Hargaysa ka Mid ah

Hargaysa 07.July 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis ayaa iska fogeeyey tuhuno ay qaar kamida bulshada ku dhaqan caasimada Hargeysi ay ka qabeen in uu Wasiirku uu doonayo in uu mashruuca biyo galinta qaar kamida xaafadaha Hargeysa ee Ceelka Xumba weyne uu u leexinayo xaafado kale oo aan ahayn kuwa sida aadka ah u haraadan.

Kulan albaabadu u xidhnaayeen oo maanta ay si wada jira u yeesheen gudi dhawaan uu Madaxweynuhu u magacaabay oo ay ku jiraan Xubno kamida wasiirada Xukuumada Siilaanyo iyo Guddiyo ay xaafadaha Biyo galinta loo samaynaayey ay soo wakiisheen ayaa maanta ku yeeshay Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland.

 

Kadiba markii uu soo idlaaday kulankani aya waxaa warbaahinta uga xogwaramay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis oo ka mida gudida uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay hirgalinta mashruuca biyo galinta qaar kamida xaafadaa magaalada Hargeysa,Waxaana uu si xooga uu iskaga fogeeyey eedaymaha uga imanaaya qaar kamida bulshada isag oo sheegay in aanay waxba iska badalin sidii hore ee Mashruuca loogu tala galay,isaga oo sida oo kalena tibaaxay in ay yihiin gudiyo qaran oo ku hamiyaaya sidii ay shacbiga ku dhaqan caasimada Hargeysa uga dhargi lahayd biyo ku filana gaar ahaan xaafadaha aadka u ooman.

 

“Maanta halkan waxaa ku shiray gudidayadii uu Madaxweynuhu Magacaabay in ay Saddexda Xaafadood ee Magaalad Hargeysa ay biyahooda ay wax ka qabato Gudidu waa ay shirtay Maantana waxaa ay a shirtay Odayaashii Waxaanu doonaynaa in aanu dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba in aanu u cadayno in gudidaasi Xilka ugu wayn ee saarani ay tahay in dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba ay biyo Cabaan,biyahu waa nolol waxaanu doonaynaa in dadkeenu ay biyaha ka haqa beelaan dadka wax ina siinayaan ay waxa ugu horeeya ee ay ina siinayaan ay biyaha noqdaan shirka imika halkan ka dhacay shir aad iyo aad u wanaagsan ayaa uu ahaa wanaag ayaanan isku afgaranay beentii iyo balaayadii Suuqa la galiyeyna meesha ayaanu ka saarnay runtuna waxaa ay tahay in aanu nahay gudi qaran oo dad ma talaysa oo biyo doonaysa in ay dadka reer Somaliland meel kasta ay ka helaan labada gacmoodna ay ku maydhaan”Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis

 

Af-hayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo isna ka halkaasi ka hadlay ayaa daaha ka fayday in aanay waxba ka jirin hadaladii hore suuqa ugu jiray ee ka hadlaayey in uu wasiirku biyaha leexinaayo isaga iyo gudida biyahuba,waxaana uu carabka uu ku dhuftay in Mashruucaasi uu sidiisa uga hirgalaayo xaafadihii loogu tala galay in laga hirgaliyo.

“Halkan maanta Wasiiradii qaranka oo uu guddoominayo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa shir halkan ku galay,waxaana laga hadlaayey biyahii baryahaaba caasimada laga waday ee saddexda xaafadood laga higalinayey Gacan Libaax,Maxamuud Haybe Iyo Axmed Dhagax oo ah dadka ugu badan ee haraadan ah iyada oo Hargeysa laga wada Haraadan “Ayuu yidhi Afhayeenka Salaadiinta Somaliland

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed