|

Wasiirka Amuuraha Gudaha iyo Jananka Booliska oo u Socdaalaya Jabuuti

Hargaysa 29.March 2014 (SDN)-Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Sarreeya Guuto C/laahi Fadal Iimaan ayaa lagu wadaa saaka in ay u ambabaxaan dalka Jabuuti, halkaas oo ay wadahadalo kula soo yeelan doonaan madaxda Dalkaasi.

Cali WarancadeeeLama oga ujeeddada safarka labadan masuul hase yeeshee waxa la filayaa in uu xidhiidh la leeyahay sii ambaqaadka arrimo dhawr ahaa oo ay labada dal laba guddi u saareen, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen iskaashiga dhinaca  Amaanka xuduuda labada dal.

Masuuliyiintan oo aanu isku daynay inaanu wax ka ogaano socdaalkooda isla markaana aanu Telefoonadooda kala xidhiidhnay way noo suurtogaliw eyday inay nooga jawaabaan, hase yeeshee sida aanu xogta ku helnay illaa hada lama oga sababta rasmiga ah ee Socdaalkooda.

Wasiir Cali Warancade iyo Taliye Fadal oo ah labada masuul ee ugu sareeya Amniga Dalka ayaa is-raacoodu muujinayaa in ay u tagayaan Dalkaasi hawl culus oo looga maarmi waayey, taasoo lagu wado in ay noqon doonto mid ay kula xajoon doonaan madaxda dhigooda ah ee Dalka Jabuuti.Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Sarreeya Guuto C/laahi Fadal Iimaan ayaa lagu wadaa saaka in ay u ambabaxaan dalka Jabuuti, halkaas oo ay wadahadalo kula soo yeelan doonaan madaxda Dalkaasi.

Lama oga ujeeddada safarka labadan masuul hase yeeshee waxa la filayaa in uu xidhiidh la leeyahay sii ambaqaadka arrimo dhawr ahaa oo ay labada dal laba guddi u saareen, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen iskaashiga dhinaca  Amaanka xuduuda labada dal.

Masuuliyiintan oo aanu isku daynay inaanu wax ka ogaano socdaalkooda isla markaana aanu Telefoonadooda kala xidhiidhnay way noo suurtogaliw eyday inay nooga jawaabaan, hase yeeshee sida aanu xogta ku helnay illaa hada lama oga sababta rasmiga ah ee Socdaalkooda.

Wasiir Cali Warancade iyo Taliye Fadal oo ah labada masuul ee ugu sareeya Amniga Dalka ayaa is-raacoodu muujinayaa in ay u tagayaan Dalkaasi hawl culus oo looga maarmi waayey, taasoo lagu wado in ay noqon doonto mid ay kula xajoon doonaan madaxda dhigooda ah ee Dalka Jabuuti.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed