Wasiirka Amuuraha Dibada ee Iran oo Waajib ku tilmaamay sidii loo soo Afjari lahaa Qalalaasaha Yemen
Tehran 13. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Arimaha dibada ee wadanka Iran Maxamed Jawaad Dariif ayaa sheegay in dalkiisu lama huraan u arko in la soo afjaro dhibaatada dhan kasta ah iyo masiibooyinka bani’aadanimo ee ka taagan dalka yaman, lana gaadho xal waara.
Wasiirka oo ka hadlay kulan uu la yeeshay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Wadanka Yaman Ismaaciil waldo Sheekh oo haatan booqasho ku jooga Magaalada Tehran ayaa sheegay in Iran taageerayso dadaalada qaramada Midoobay ee ku aadan xal u raadinta wadanka yaman.
Dalka yaman ayaa muddo sanado ah la tabaalaysan qaybsanaan siyaasadeed iyo dagaalo sokeeye oo u dhexeeya Xukuumada ay caalamku aqoonsan yihiin oo taageero ka helaysa xulafada carbeed iyo Kooxda xuutiyiinta oo lagu tuhunsan yahay inay gacansaar la leeyihiin dalka Iran.