|

Wasiirka Amniga Qaranka oo Socdaal ku Tagay Maanta Magaalada Beledweyn

Beledweyn 22.Nov 2013 (SDN)-Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta booqday saldhigga booliska ee magaalada Beledweyne oo labo maalin ka hor ay weertay Al-Shabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane CabdikariinWasiirka ayaa u kuurgalayay raadadka uu reebay weerarka, iyadoo ay safarkiisa ku wehliyeen xubno xildhibaanno ah iyo taliyeyaal ciidan.

Ma jirto wax hadal ah oo ilaa iyo hadda uu warbaahinta siiyay wasiirka iyo wafdigiisa.

Qof isa soo miidaamiyay oo Al-Shabaab ahaa ayaa Arbacadii isku qarxiyay saldhigga booliska ee magaalada Beledweyne, iyadoo qaraxaasi ay ku dhinteen dad ka badan 20 qof.

Beledweyn SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed