|

Wasiirka Amniga Puntland oo ku dhawacmay Rasaas ciidan Iyo Sababta Keentay

Garowe 05.May 2016 (SDN/QJ):- C/xirsi Cali Qarjab Wasiirka amniga dawlada Puntland ayaa ku dhaawacmay maanta iska hor imaad ka dhashay ciidamada Birmadka gobolka Bari oo tara koob lagu samaynayey.

qarjabWasiirka ayaa xaaladiisa caafimaad ay aad u wagaansan tahay waxaana dhawacu uu kasoo gaaray bowda waxaana sidoo kale dhawac culus soo gaaray mid kamid ah askarta birmad gobolka Bari.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Mudane C/risaaq Afgaduud ayaa xili uu khudbad u jeedinayey ciidamada birmadka gobolka waxaa halkaasi soo gaaray Taliyaha Birmadka Puntland kadibna gacan u qaaday taliyaha ciidamada booliska Puntland,labada ciidan ayaa gacan isku qaaday rasaastii ay isu fureena ku dhawacay wasiirka iyo askari ka tirsan ciidamada Birmad.

Wararka hoose aan ka helayno khilaafkaas ayaa sheegay inay socotay qorshe lagu doonayey in taliyaha Birmadka Puntland xilka looga qaado

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa lagu soo waramayaa in dhaawac  fudud uu ka soo gaaray lugta midi, halka labada sarkaal iyo askarta kalena ay dhaawacyadoodu aad u culus yihiin.

Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadaas.

Comments are closed