|

Wasiirka Amniga oo ka hadalay dilkii Marxmuum Mustaf Xasan Caato

Muqdisho, Aug 04, 2014(SDN/QJ)-Wasiirka Amniga Qaranka ayaa sheegay in uu si kama’ ah ku dhintay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Mustaf Xasan Caato, kadib markii askari waardiye hayey oo ka tirsan ilaalada madaxtooyada ku furay xalay rasaas aan ula kac ahayn.

“Wasaarada Amnigu waxay aad uga xuntahay qaabka u dhacay dilkaas, oo runtii ahaa mid kama’ ah waxayna halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraysaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Mustaf Xasan Caato” ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka mudane Khaliif Ereg.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Qaranka mudane Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan siduu u dhacay dilkaa muwaadinka Soomaaliyeed.

Comments are closed