|

Wasiirka Amniga ee Maamul Goboleedka Punt land oo Warbaahintu Ku Sheegtay Inuu Dhintay & Xog Cusub oo Xaaladiisa Caafimaad la Xidhiidha

Hyderabad 26.October 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa xaaladiisa caafimaad waxay tahay mid wanaagsan, wuxuuna haatan nasasho ujoogaa magaalada Hyderabad ee dalka Hinida, kadib markii lagu sameeyo qaliinxaga Kelyaha iyo daawayn guud.

 

Warbaahinta qeyb kamid ah ayaa si indho la’aan ah uqoray war ku saabsan inuu geeriyooday wasiirka amniga Puntland, halka qaarna kalena ay qoreen inuu ku geeriyooday dagaaladii ka dhacay Gaalkacyo, waana been abuurkii ugu weynaa oo qof nool lagu been sheegto.

 

 

14680497_1855707317992918_2577804718825947118_nSawirkan wuxuu muujinayaa mid kamid ah dhalinyarada reer Punland ee Hindia ku dhaqan oo booqasho ugu tagay wasiirka amniga oo muddo 25 cisho ah loo qoray nasiino maadaana uu qaliin galay, kadibna wuxuu kusoo laabandoonaa Puntland, si uu uguto waajibaadkiisa qaran.

Comments are closed