‘’Wasiir,Badhasaab,Xildhibaan Iyo Ilaa Madaxweyne Maalinta Codbixinta Waa isku Xaquuq Laakiin Kuwii Kala Saari lahaa Waa idinka’’ Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka DAAWO
Hargaysa 08 November 2017 (SDN/QJ):-Waxaa maanta Caasimadda Hargaysa ka ambo baxay in ka badan 7500 oo arday oo noqonaya Hawlwadeenada Komiishanka Doorashooyinka ee Goobaha Codbixinta Doorashadda Madaxtooyadda kuwaas oo ka hawlgalaya Gobolada bari ee dalka.
Waxaa Kulan Sagootin ah loogu qabtay Xarunta Jaamacada Hargaysa ayaa Waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka iyo Afhayeenka Guddidaas oo ku dheeraaday Waajibaadka saaran ardaydan.